U bood dhigaalka

Wasiirka Amniga Puntland: Waa La Tooganayaa Maxaabiista Aan Ka Hayno Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Wasiirka amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa sheegay in la toogan doono dagaalyahannada ay ka hayaan Al-shabaab, sidoo kalena sharci hor leh laga soo saaray sugista amniga guud ee deegaannada maamulkaasi ka arrimiyo.

Waxa uu sheegay in gurigii lagu qabto cid ka tirsan Al-shabaab lala wareegi doonaan, islamarkaana cid walbo oo lagu qabto fal amni darri la dili doono.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in maamulka Puntland uu go’aan ku gaarey in la dilo ragga ka tirsan Al-shabaab ee lagu ridey xukunnada dilka ah waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Dowladda waxay ansixisay in gurigii lagu qabto Al-shabaab, waa in lala wareego, qofkii la qabtay waa in maxkamad la geeyo oo la dilo, kuwii aan kusoo qabannay garacad weli cidna kamaan dilin, marka wixii xabsiyada ku jira dowladda go’aan bay ka gaartay in la laayo, degmooyinka iyo gobollada baan ka bilaabeynaa iney is difaacaan” ayuu yiri wasiirka

Ugu dambeyn wasiirka amniga ee maamulka Puntland ayaa ugu baaqay shacabka iney la shaqeeyaan ciidamada amniga, islamarkaana ay ka midoobaan cid walbo oo amni xumo waddo.

Goobjoog News