U bood dhigaalka

Wasiirka Amniga: Waxaan La Imaanayaa Qorshe Lagu Sugayo Amniga Guud Ee Dalka

Sheeko:Dalka

Wasiirka cusub ee wasaaradda amniga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abukar Islow oo maanta xilkaasi la wareegay ayaa sheegay in degdeg wax uga qaban doono amniga guud ee dalka, islamarkaana waxa uu sameeyay hal ku dhig ku aadan sugista amniga Muqdisho oo uu ugu magac daray “Xasilinta Caasimadda”

Wasiirka ayaa ku dheeraaday ka hadalka sida lagama maarmaanka u tahay in la sugo ammaanka guud ee dalka, isaga oo shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday iney la shaqeeyaan ciidamada ammaanka.

“Waxaan balanqaadayaa in wasaaradda amniga la imaan doono qorsheyaal  lagu sugayo amniga guud ee dalka, sida ugu dhaqsiyaha badan, ugana howlgelin doonno Muqdisho oo aan rabaa inaan u sameeyo hal ku dhigga ah xasilinta  caasimadda, ka shaqeynta amniga waa mas’uuliyad saaran dhammaan muwaadiniinta, waxaana ka codsanayaa shacabka Soomaaliyeed iney la shaqeeyaan hay’adaha amniga” ayuu yiri wasiir Islow.

Sidoo kale wasiirka amniga ayaa sheegay in abaalmarin lasiin doono cid walbo oo shacabka kamid ah,  islamarkaana soo sheegtay dagaalyahannada Al-shabaab.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan u ballanqaadeynaa abaalmarin haddii ay soo sheegaan cid ka tirsan Al-shabaab, sidoo kale shaqsiga lasoo qabtay sharciga ayaa lamarsiin doonaa” ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka amniga xukuumadda Soomaaliya.

Ugu dambeyn wasiirka ayaa ugu baaqay dhallinyarada kamidka ah Al-shabaab iney isku soo dhiibaan dowladda Federaalka, kana soo laabtaan fekerka ay aaminsan yihiin.

Goobjoog News