U bood dhigaalka

Wasiirka Arimaha Gudaha Cabdiraxman Odowaa oo Looga yeeray Baarlamaaka

Sheeko:Baarlamaanka

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xaruntiisa ku qabtay kulanka 5-aad ee kalfadhiga 6-aad.

Ajendada: Mudanyaasha baarlamaanka ayaa sii waday ka doodista Motionka golaha Wakiilada Maamul-Goboleedka KMG ee jubbooyinka(jubba), Jawaari ayaa doodad kadib shaaciyay in 41-tii is qoray ay dhamaatay, Jawaari waxaa uu sheegay in loo yeerayo Wasiirka arimaha gudaha iyo federaalka Cabdiraxman Odowaa si su’aalo looga weydiiyo arimaha Baarlamaanka Jubbaland.

Furitaanka kulanka Jawaari waxaa uu bogaadiyay arinta caawinta ee loogu gurmanyo Qaxootiga Soomaaliyeed, isagoo ku dhiirigaliyay shacabka in ay sii wadaan dadaalka lagu taageerayo dadka kasoo cararaya dhibaatada Yemen.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari ayaa Mudanayaasha ku dhiirigaliyay in ay yimaadaan  gobolaha, isagoo sababta ku sheegay in Baarlamaanka horyaalo sharciyo badan, kuwa kale ay soo socdaan, sidaa darteedna loo baahan yahay in lasoo xaadiro

Waxaa kaloo ka codsaday Mudanyaasha Baarlamaanka in ay u ogolaadaan in mudanihii maqnaado hal fadhi laga jaro $100.