U bood dhigaalka

Wasiirka arimaha dibada dalka oo Muqdisho ku soo dhoweeyay danjiraha cusub ee India

Sheeko:War
Midig: Wasiir Beyle iyo Danjiraha cusub ee India Yogeshwar Varma
Midig: Wasiir Beyle iyo Danjiraha cusub ee India Yogeshwar Varma

Wasiirka arimaha dibada xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta ka guddoomay nuqullo ka mid ah waraaqaha aqoonsiga danjiraha cusub ee dowladda India u soo magacawday Soomaaliya Yogeshwar Varma.

Wasiirka ayaa kala hadlay safiirka cusub xiriirka soo jireenka ee ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo India, waxa uuna sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad gaar ah siin doonto adkeynta xiriirka kala dhaxeeya India.

Dalka India ayaa ah dal ay wax ka bartaan arday fara badan oo soomaali ah, iyada oo ay jiraan xiriir ganacsi oo ka dhaxeeya ganacsatada labada dal.

Danjirayaasha dowladaha caalamka u soo magacaabaan Soomaaliya ayaa isasoo taraya tan iyo markii dowladda Federaalka Soomaaliya ay heshay aqoonsi caalami ah xilli ay ka baxday hannaankii kumeel gaarka ahaa.

Waxaa lagu wadaa goor dambe oo maanta ah in uu madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh uu waraaqaha aqoonsiga ka guddoomo safiirka.