U bood dhigaalka

Wasiirka Arrimaha Dibada Masar oo Amaanay Dadaalada Dhismaha Soomaaliya oo Barwaaqo ah

Sheeko:Dalka

Samiix ShawkiWasiirka arrimaha dibada Masar Samiix Showki ayaa sheegey in dowladiisa ay ka go’antahay sidii ay dalalka kale ee arrimah Soomaaliya daneeya ogala shaqayn lahayd ka saarista dhibka heysta Soomaalida.

Wuxuu khudbad ka jeediyey shirkii Copenhagen ee looga hadlayay dib u dhiska Soomaaliya, wuxuuna sheegey in labada dal uu u dhaxeeyo xiriir qoto dheer oo iskaashi ah.

Wuxuu sheegey in abaaraha ka jira qeybo ka mid ah Soomaaliya ay u baahanyihiin in laga bixiyo jawab degdeg ah.

Mar uu soo hadal qaaday dagaalka ka dhanka ah waxa loogu yeero argagixisada, ayuu sheegey in wadamada adduunka ay u baahanyahay in ay aad ugu foognaadaan sidii loo cirib tiri lahaa, balse wuxuu xusey in Soomaaliya oo kaliya aysan ahayn meelaha uu dhibkani ka jiro, balse yahay mid ka jira meelo badan oo adduunka ka mid ah.

Wuxuu amaanay dadaalada lagu doonayo in Soomaaliya looga gaaro nabad waarta iyo xasilooni, lana dhiso Soomaaliya oo barwaaqo ah.

Masar ayaa ka mid ah wadamada kaalmada siiyey Soomaaliya, gaar ahaan gargaar cuno iyo dawo isugu jira, iyo waliba tabobar loo fidiyey ciidamada nabad sugida Soomaaliya.

Goobjoog News