U bood dhigaalka

Wasiirka Arrimaha Dibada oo Ka Warbixiyey Safaro uu Dibada Ku Tagay

Sheeko:Dalka
Midig: Wasiir Beyle iyo Danjiraha cusub ee India Yogeshwar Varma
Midig: Wasiir Beyle iyo Danjiraha cusub ee India Yogeshwar Varma

Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa ka warbixiyey safari uu ku tagay wadamada Yemen iyo Talyaaniga.

Wuxuu sheegey in labada dalba ay kasoo wadahadleen arrimaha qaxootiga Soomaalida ee dalalkaasi ku taga tahriibka xagga badda.

Soomaali aad u badan ayaa sanad kasta safar halistiisu badanyahay oo xagga badda ah ku gaara dalalka Talyaaniga iyo Yemen, waxaana la doonayaa in xal waara loo helo.

Dalka Talyaaniga waxaa lagu qabtay shirweyne Midoowga Yurub uu kaga hadlayay sidii xal loogu heli lahaa dadka soogalootiga ah, wasiirka waxa uu sheegey in ay shirkaasi la tageen qorshe ah in xalka dadkaasi loo heli karo uu yahay in dalkooda iyo dowladooda gacan laga siiyo in ay hagaagaan.

Goobjoog News