U bood dhigaalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Eretria Oo Sheegay In Soomaaliya Kasoo Kabaneyso Burburkii Ku Dhacay

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa xalay waxay xaruntooda munaasabad soo dhoweyn ah ugu sameeyeen wasiirka arrimaha dibadda Eretria Cismaan Maxamed Saalax, kaasi oo maalin kahor isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo soo gaareen magaalada Muqdisho.

Munaasabaddan waxaa joogay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh, duqa Muqdisho C/raxmaan Yariisow iyo mas’uuliyiin kale.

Ugu horreyn guddoomiye Yariisow ayaa sharaxauy taariikhda Muqdisho ay u leedahay doo showeyn iyo martigelinta madaxda caalamiga ah ee booqashada ku yimaada dalka, isaga oo soo dhoweyntaasina ku sheegay mid calaamad weyn u ah dib usoo kabashada caasimadda.

Wasiirka rrimaha dibadda Eretria Cismaan Maxamed Saalax ayaa isagana dhankiisa sheegay inuu maamulka gobolka Banaadir uga mahadcelinayo soo dhoweyntan loo sameeyey isaga iyo wafdigiisa.

Waxa uu sheegay iney aad ugu faraxsan yihiin sida wanaagsan ee Soomaaliya dib uga soo kabaneyso burburkii ku dhacay.

Ugu dambeyn, wasiir Cismaan ayaa Soomaaliya u rajeeyey horumar iyo nabad waarta, waxaana uu sheegay in Labada shacab ee Soomaaliya iyo Eretria yihiin kuwo wax badan wadaaga.

Goobjoog News