U bood dhigaalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Faransiiska Oo La Kulmay Madaxda Iran

Sheeko:Caalamka

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Faransiiska Jean-Yves Le Drian ayaa maanta oo Isniin ah la kulmay Xoghayaha Guud ee Golaha Amniga Qaranka Iran Cali Shamqaani.

Labadan mas’uul ayaa waxa ay ku kulmeen magaaladaha Dahran ee caasimadda Iran ka dib markii wasiirka Arrimaha Dibadda Faransiiska uu booqasho ku yimid dalkaasi.

Labada dhinac ayaa waxa ay isla gorfeeyeen arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah kuwaas oo mudan in laga hadlo.

Jean-Yves Le Drian ayaa sheegay in uu la kulmi doono inta uu booqashada uu ku joogo Iran Madaxweynaha dalkaasi Xasan Ruuxaani, iyo dhiggiisa Maxamed Jawaad dariif iyo mas’uuliyiin kale.

Jean-Yves Le Drian ayaa waxaa lagu wadaa in uu mas’uuliyintaan la gorfeeyo waddooyinkii lagu horumarin lahaa xiriirka ka dhaxeeya Iran iyo Faransiiska iyo in ay is-dhaafsadaan aragtiyo ku saabsan kuwa gobolka iyo dunidaba.

Jean-Yves Le Drian ayaa hoosta ka xarriiqay in ay Paris sii wadi doonto heshiiskii Nukliyeerka ee ka dhaxeeyay Iran iyo 6 dowladood ee dunida oo ay ka mid ka yihiin UK, Faransiiska, Shiinaha, Ruushka, Mareykanka iyo Jarmlka.

Goobjoog News