U bood dhigaalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Oo Maanta Booqasho Ku Tagi Doona Turkiga

Sheeko:Dalka

Wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda Qatar Sheikh Maxamed Binu Cabdiraxmaan Aala Thaani  ayaa lagu wadaan inuu maanta booqasho rasmi ah uu ku tago caasimadda Turkiga ee Ankara, halkaasi oo uu kula kulmi doono dhiggiisa wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Mevlüt Çavuşoğlu iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Turkiga.

Sida lagu sheegay war murtiyeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga, ayaa ah ula jeedka uu Aala Thaani uu u booqanayo Turkiga inay tahay gorfeynta xiriirka lama geesoodfka ah ee ka dhaxeeya labada dalk iyo arrimo kale oo muhiima oo ku saabsan arrimaha gobolka.

Xiriirka ka dhaxeeya Turkiga iyo Qatar ayaa noqday mid aad uweyn oo dhan walba leh kuwaasi oo iska kaashada arrimaha carabta,gobolka iyo caalamka sidoo kale waxay isku gudbiyaan oo ay is weydaarsadaan iskaashi ganacsi mid dhaqaale oo miro dhalay.