U bood dhigaalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Oo Socdaal Kumaraya Suudaan

Sheeko:War

Wasiirka Arrimaha Dibadda Suudaan Ibraahim Gandoor ayaa dhiggiisa wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Maxamed Binu Cabdiraxman waxa uu ku qaabilay magaalada Khartuum ee caasimadda dalkaasi.

War-murtiyeed ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Suudaan ayaa waxaa lagu sheegay in labada mas’uul ay ka wada hadleen barnaamijyo ay ka mid yihiin sidii la is kala kaashan lahaa dhinacyada dhaqaalaha, Siyaasadda iyo in la xoojiyo xaaladda nabad-gelyo iyo midda horumarineed ee gobolka Darfur.

Wasaaraddu waxa ay intaas ku dartay in sidoo kale ay ka wada xaajoodeen labada wasiir horumarrada labada dhinac ee kuwa gobolka iyo dunida iyo waddooyinkii lagu xoojin lahaa isku dubaridda iyo wadatashiga ka dhaxeeya labada dal.

Labada dhinac ayaa waxa ay ku heshiiyeen in la dhiso guddi wadatashi oo siyaasadeed kaasi oo sanadkii labo mar kulmaya oo marba dal lagu ku kulmaya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar ayaa gaaray Khartuum shalay oo Sabti ahayd, waxa uuna halkaasi joogi doonaa labo maalmood, socdaalkiisa Khartuum inta uu ku  gudajira waxaa la filayaa in uu la kulmo madaxweyne Cumar AL-bashiir.

Qatar ayaa waxa ay dooneysaa in la ilaaliyo hehshiiskii nabad-gelyada ee sanadkii 2011, kaasi oo ay diideen dhaqdhaqaaqa fallaagada Dafur, halka heshiiskaas ay saxiuxday xukuumadda iyo dhaqdhaqaaqa xoreynta iyo caddaaladda Suudaan.

Maalgashiga Qatar ee Suudaan ayaa waxa uu gaarayaa qiimo dhan 1.5 Bilyan, iyada oo u marsiisay 40 mashruuc oo kala ah Beeraha, Dalxiiska, Dhismayaasha waaweyn sida lagu sheegay tirakoob rasmi ah.

Goobjoog News