U bood dhigaalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga Oo Isu soo Dhawaashiyaha Sacuudiga iyo Iran Ku Tilmaamay Wax Lagu Qoslo

Sheeko:Dalka

Wasiirka arrimaha dibadda ee Sacuudiga Caadil Jubeir ayaa isu soo dhawaashiyaha Sacuudiga iyo Iran ku tilmaamay wax lagu qoslo, isaga oo intaa raaciyay in xiriirka diblomaasiyadeed ee dhex-maray uu ahaa arrimo la xiriira Xajka.

Wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga waxaa uu qabaa in isu soo dhawaashiyo labada dhinac ah ay ku xiran tahay in Iran ay badasho siyaasadaheeda.

Sacuudiga iyo Iran waxaa ay ku kala aragti duwan yihiin arrimo badan oo bariga dhexe ah, sida Yemen, Suuriya, Ciraaq iyo arrimo kale oo ay ku jirto go’doominta Qatar.

Goobjoog News