U bood dhigaalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Ka Qeyb Galay Furitaanka Shirka 77-aad Ee QM

Sheeko:Caalamka

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah  xukuumadda federal ah ee Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac oo ku sugan magaalada New York ee dalka Mareyka ayaa waxaa uu ka qeyb galay furitaanka shirka 77-aad  ee Qaramada Midoobey, kaas oo maanta oo talaada ah si rasmi ah ugu furmay kulanka ayaa ka duwan labadii sano ee tagtay.

“Wasiirka Arrimaha Dibadda, Mud. Abshir Cumar Jaamac, ayaa maanta kaga qeybgalay  New York meertada 77aad ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa oo ay xubno ka yihiin 193 dowladood, iyadoo shirku halkudhiggiisu yahay “Xalka oo loo maro Wadajirka, Joogtaynta & Sayniska” ayaa lagu qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Madaxweynaha jamhuuriyadda Xasan Shiikh Maxamuud ayaa waxaa lagu wadaa inuu dib ugu laabto magaalada NewYork ee Mareykanka, kadib ka qeyb galkii aaskii qaran ee boqoraddii Uk Queen Elizabeth II, taas oo shalay lagu aasay magaalada Westminster, oo ku taalla bartamaha magaalada Londan, kuna dhow aqalka Baarlamaanka dalka Ingiriiska.

Shirka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey aya waxaa uu sanadkaan ka duwanaan doonaan labadii sano ee tagtay, xilligaas oo dunida kala xiray xanuunka Korona Feyrus, madaxweyne Xasan Shiikh ayaa lagu wadaa inuu kulanka ka 77-aad uu ka jeediyo khudbad uu kaga hadlayo xaaladaha dalka, dhanka amniga iyo abaaraha dad iyo duunyo saameeyay.

Goobjoog News