U bood dhigaalka

Wasiirka Arrimaha Gudaha DFS Iyo Sheekh Shaakir Oo Gaaray Deegaanno Hoostaga Matabaan

Sheeko:Amniga

Wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye iyo madaxa xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir ayaa maanta gaaray deegaanno hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Deegaannada ay mas’uuliyiintan gaareen ayaa waxaa dhowaan ka dhacay dagaallo u abaabulan qaab qabiil, iyadoo ulajeedka ay halkaasi u tageen tahay xallinta xiisado jiray.

Wararka ayaa intaa ku daraya, in waxgaradka ku dhaqan deegaannadan ay kulamo la leeyihiin wasiir Sabriye iyo sidoo kale Sheekh Maxamed Shaakir.

Xiisadaha ka taagan deegaannadan ayaa ka dhalatay kadib markii dhowaan ay rag hubeysan dileen Lix qof oo saarnaa gaari shacab ah.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News