U bood dhigaalka

Wasiirka Arrimaha Gudaha DFS Oo Maanta Tagaya Deegaanka Kaxandhaale

Sheeko:Amniga

Wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye oo ku sugan degmada Cadaado ayaa la filayaa in maanta uu gaaro deegaanka Kaxandhaale ee gobolka Galgaduud.

Wasiir Sabriye ayaa ka sheegay Cadaado in Saddex cisho ku sugnaan doonaan deegananada Galmudug, kana shaqeenayaan arrimaha dib u heshiisiinta beelahan dagaallamay.

Ciidamo ka tirsan dowladda federaalka, gaar ahaan kuwa xoogga dalka ayaa la sheegay in shalay ay tageen deegaanka Kaxandhaale si ay u kala dhexgalaan beelahan dagaallamaya.

Dagaallada ka dhacay Kaxandhaale ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News