U bood dhigaalka

Wasiirka Arrimaha Gudaha Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Gaaray Magaalada Jowhar

Sheeko:Dalka

Magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabellaha Dhexe waxaa gaaray wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, kuwaa oo lagu soo dhaweeyay magaaladaasi.

Wafdigaan waxaa ka mid ah wasiirada kala ah Amniga Gudaha, Kalluumeysiga iyo kheyraadka, dhallinyarada, wasiiru dowlaha maaliyadda, wasiiru dowlaha madaxtooyada iyo xildhibaanno ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya.

Magaalada Jowhar waxaa wafdigani kusoo dhaweeyay maamulka Gobalka Shabellaha dhexe oo uu horkacayay gudoomiyaha maamulkaasi Mr Guudlaawe, maamulka degmada Jowhar, Odayaal dhaqameed, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Waxay haatan xubnahani kulamo la qaadanayaan Odayaasha dhaqanka ee ku sugan degmada Jowhar, waxaana ay kala hadlayaan arrimo ku saabsan sirka ka furmi doona magaaladaasi.

Waxaa la filayaa in lagu dhawaaqo waqtiga rasmiga ah ee magaalada Jowhar laga furi doono shirka maamul u sameynta goballada Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News