U bood dhigaalka

Wasiirka Arrimaha Gudaha Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dhuusamareeb

Sheeko:Dalka

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib-u-hishiisiinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Wasiirka iyo wafiga la socda ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug, waxaana u jeedka socdaalkooda ay la xiriirtaa sidii ay kulamo ula qaadan lahaayeen madaxda Galmudug ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb oo ay kala hadlayaan hanaanka ku saabsan doorashada Galmudug.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan shaacisay in doorashada Galmudug ay dhici doonto waqtigii loogu talagalay, isla markaana la qabto shirweyne dib u heshiisiineed, maadaama muddada xilheynta dastuuriga ee Madaxda Galmudug ay ku egtahay 4-ta July ee sanadkan.

Dowled gobaleedka Galmudug Ayaana  ka soo horjeestay warqad dhawaan ka soo baxday wasaaradda arrimaha gudaga iyo federaalka dalka, ayadoo aan la ogeeyn waxa uu soo kordhin doono socdaalka wasiirka uu ku gaaray Dhuusamareeb.

Goobjoog News