U bood dhigaalka

Wasiirka Arrimaha Gudaha: Shirka Jowhar Waa Socdaa Ee Ha Ku Mashquulina Warar Kale

Sheeko:Dalka, War

Waxaa isniintii magaalada Baladweyn lagu qabtay shir ay isugu yimaadeen 8 Ugaas, iyagoo dhamaadka shirkaas saxaafadda u sheegay in ay ka soo horjeedaan shirka Jowhar, isla markaana uu burburay.

Dhinaca kale waxaa magaalada Jowhar soo gaaray  diyaarad sidday wafdi ka socday gobolka Hiiraan, iyagoo ay Jowhar ka soconayaan shirar gaar gaar ah oo looga tashanayo maamul u sameynta Shabeelada dhexe iyo Hiiraan.

Hadabada Goobjoog News ayaa xiriir la sameysay Ugaasyadii ku shiray magaalada Baladweyn, Wufuuddii ka timid Hiiraan ee tagay Jowhar, Oday-dhaqameed ka tirsan shabeelle dhexe iyo xitaa wasaaradda arrimaha gudaha si shacabka loogu bandhigo halka ay wax marayaan iyo waxa xiga.

Ugu horeyntii waxaan  Goobjoog News la hadlay Ugaas ka mid ah 8-deedii Ugaas ee ka qeybgashay shirka Baladweyn inagoo weydiinay cidda shirka ka qeyb gashay iyo waxa looga hadlay.

Ugaaska oo magaciisa ka gaabsaday in la sheego ayaa sheegay in dadka shirkaas ka qeyb galay ay kala ahaayeen:

Ugaas Cabdiraxman Ugaas Cabdulahi

Ugaas Cabdinasir Ugaas Nuur

Ugaas Cabdixakim Ugaas Maxamed

Ugaas Xasan Ugaas Khalif Ugaas Rooble

Wabar Maxamed Wabar Axmed Wabar Cabdi

Ugaas Cali Ugaas Xasan Raage

Islow Cusmaan oo wakiil ka ahaa Wabar Geedi

Ugaas Cali Ugaas Muxumed

Odoyaashan dhaqanka ee ka kala socda Shabeellada dhexe iyo Hiiraan ayaa go’aamiyay in shirkii Jowhar uu fashilmay iyagoo eedda dusha ka saaray dowladda federaalka ah.

Odoyaasha ayaa sidoo kale dowladda ku eedeeyay in ay faragelin ku heyso arrimaha shirka iyagoo ku adkeystay in ay doonayaan in wixii maamul u sameyn labada gobol ku saabsan loo madax baneeyo dadka deggan labadaasi gobol.

Odoyaasha iyo Siyaasiyiinta Hiiraan waxaa ay wataan cabashooyin sida: in madaxweynaha uu ballamo uga baxay, in gogosha Baledweyne lagu celiyo, laakiin taladooda ugu weyn waa in dadka labada gobol deggen loo madax baneeyo aayaha shirka iyo dhamaan geedi socodka iyagoo ku adkeysanaya in dowladdana ay ku ekaato fududeyn oo keliya, arrintaas oo sida muuqata ku adkaatay dowladda federaalka ah.

Dhinaca kale, Waxaa Jowhar ku sugan sida  aan sheegnay wafdi ka yimid Hiiraan uu hor kacayo Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee gobolka Hiiraan  Xuseen Cusmaan Cali , Guddoomiyaha Buulo-Barde Cabdi Casis Duurow iyo rag kale oo ka tirsan maamulka gobolka, xiriiro ay Goobjoog News la sameysay waxaa ay ka gaabsadeen in ay hadlaan.

Nabadoon Cusmaan Yaa Cali oo ka mid ahaa Odayaasha Shabeellada dhexe iyo  reer Jowhar ah oo  Goobjoog la hadlay ayaa meesha ka saaray in ay socdaan wararka sheegaya in  shirar gaargaar ah ka socdaan Jowhar.

Nabadoonka waxaa rajo xumo ka muujiyay meesha uu shirka Jowhar gaaray iyagoo sida uu sheegay aan la ogeyn in shirka uu sii soconayo iyo in kale iyo dhibaatada ugu weyn oo ah sidii la isku waafajin lahaa rabitaanka dowladda iyo rabitaanka dadka degan labada gobol.

Ugu Dambeyntii Goobjoog News ayaa la xiriirtay Wasiirka Arrimaha gudaha ee dalka mudane Cabdiraxman Maxamed Xuseen Odawaa innagoo wasiirka weydiinay Mowqifka Wasaaradiisa ee shirka Jowhar iyo go’aanka oday dhaqameedka, Wasiirka ayaa ku gaabsaday in uu shirka Jowhar uu socdo, isla markaana aan waqtiga la isaga lumin wararka kale oo arrinkaa khilaafsan.

Shirka Jowhar oo furmay December 20, 2015-kii, Waxaa muuqata in dhibaato badan uu shirkan madaxa la galay, dowladda waxaa ay xoogga saartay in natiijo uun laga gaaro shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelada dhexe halka beel weliba ay  dooneyso in iyadu ay natiijada noqoto!

Shirka Jowhar ayaa lagu kala tagay January 2016-kii ka dib markii uu ku dhawaaqay wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka guddiga farsamo ee shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellada dhexe

Guddigan ayaa beelaha wax loogu qeybiyay sidan: Abgaal 15-XUBIN, Xawaadle: 11 XUBIN, Gaaljecel: 6 XUBIN, Gugundhabe:  6 XUBIN, Jareerweyne:  6 XUBIN, Habargidir: 5 XUBIN, Ujeejeen: 2 XUBIN, Moobleen: 2 XUBIN

Hadda Wasiirka arrimaha gudaha Cabdiraxmaan Odowaa waxaa uu leeyahay shirka waa socdaa halka odoyaasha dhaqanka ay leeyihiin shirkii waa burburay, laakiin waxaa xaqiiq ah in uu hool-kii shirka  uu cidlo yahay isla markaana waardiye laga hayo.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye, Goobjoog News,