U bood dhigaalka

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Baarlamaanka Uga Warbixinaya Guddiyo La Dhisey

Sheeko:Baarlamaanka

Maanta waxaa lagu wadaa in uu markale baarlamaanka hortago wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen waxaana su’aalo laga weeydiinayo guddiyada madaxa banaan ee ay wasaaradda soo magacoowdey.

Waxaa guddiyadani ka mid ah kan doorashooyinka iyo kan xuduudaha iyo arrimaha federaalka, kuwaasi oo ay tahay in uu baarlamaanka ansixiyo.

Shalay waxaa baarlamaanka hortagay wasiirka caddaalada oo isaga wax laga weeydiiyey guddiga adeegga garsoorka oo uu muran badan ka dhashay.

Goobjoog News