Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Oo Is Casilay

C/llaahi Cali Xirsi Timo-cadde oo ahaa wasiirkii arrimaha gudaha ee Puntland ayaa isaga oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe wuxuu ku dhowaaqay in uu xilkaasi iska casilay.

Wasiirka ayaa u mahadceliyey madaxda ugu sarreysa Puntland sida madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, mana uu sheegay dhibaato uu xilkaasi uga tagey.

Arrimo isaga u gaar ah oo aan shaacsaneyn ayuu sheegay wasiir Timo Cadde in uu xilkaasi ku baneeyey.

La soco wixii kusoo kordha

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW