U bood dhigaalka

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland iyo Wafti uu Hoggaaminayo oo ku Waajahan Magaalada Laascaanood

Sheeko:Dalka

Wefti uu hogaaminayo wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa saaka u ambabaxaya magaalada Laascaanood halkaasi oo ay shalay ka dhaceen   iska horimaadyo u dhaxeeyey  ciidamada  iyo  dad shacab ah ee reer Laascaanood oo  ilaa saddex qof ku dhinteen .

weftigan uu hogaaminayo wasiirka arrimaha gudaha Yaasiin Faratoon ayaa u ambabaxaaya Laascaanood si ay xal uga  gaaraan arrinta dhibaatada dhalisay  taasi oo illaa saaka saansanteedu ka taagan tahay  gudaha magaalada Laascaanood .

Wararka  ka soo baxay weftigan ayaa sheegaya inay shaqada ka bilaabi doonaan inay la kulmaan odayaasha iyo nabadoonada magaalada Laascaanood.

Xaaladda magaalada Laascaanood ayaa saaka degan in kasta oo laga dareemayo raadadkii ay ka tageen iska horimaadyo shalay saaacado badan socday oo u dhexeeyey  dad shacab  ah oo ka gadooday  nin gudaha magaalada lagu dilay oo ay waxba ka qabanwayeen dilkaasi ciidanka  Somaliland oo goobta dilku ka dhacay ka agdhawaa, waxaana inta la ogyahay  ku dhintay illaa saddex qof oo midi dhaawac u geeriyooday.

Waxaana intaasi ka dib  magaalada ka bilowday mudaharaad lagu gubay  baabuur   ay dawlada hoose ee Laascaanood lahayd .

Rag hubaysan oo aan la aqoonsan ayaa Nin kale ku toogtay  gudaha  magaalada Laascaanood  dhammaadka todobaadkii tagay, taas oo keentay in saameyntii dilkaas uu magaalada dhan wada gaaro.

Goobjoog News