U bood dhigaalka

Wasiirka Awqaafta Iyo Arrimaha Diinta Oo Aqalka Sare Ka Codsaday In La Xisaabtanka Looga Bilaabo Sanadka Dambe

Sheeko:Baarlamaanka

Wasiirka Awqaafta & Arrimaha Diinta Xil. Dr. Iiman Cabdullahi Cali oo maanta hortagay golaha aqalka sare ayaa Xildhibaannada uga warbixiyay waxqabadka wasaaradda, isaga oo weydiin oraaheed uga jawaabay illaa 15 Xildhibaan oo ka careysnaa qiimaha laga qaado xujeyda iyo sida loola dhaqmo xujeyda marka ay u socdaalaan dhulka barakeysan.

Kulanka aqalka sare, waxaa shir guddoominayey guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari) isaga oo ugu horeyn akhriyay ajendaha kulanka oo ku saabsanaa weydin Oraaheedka Wasiirka iyo Amniga aqalka.

Wasiirka Awqaafta & Arrimaha Diinta Xil. Dr. Iiman Cabdullahi Cali ayaa ugu horeyntii waxaa Xildhibaannada aqalka sare faah-faahin ka siiyay shaqada wasaaradda sida ku dhaqanka diinta, waxaa kale ee awqaafta uu ku sheegay arrimo aan dowlad laheyn, shakhsiyaadna laheen sida ceelashada, Masaajidyada iyo dugsiyada.

Wasiirka waxaa uu ku dheeraaday cabashooyin badan oo hadda ka jira arrimaha xajka kuwaas oo uu sheegay in ay ka horeeyeen maamulkiisa, waxaa uu ballanqaaday in hadda kadib aaney wasaaradiisa cudur-daar u heli doonin arrimaha Xajka oo uu si fiican uga shaqeyn-doono.

Wasiirka waxaa uu sidoo kale ka hadlay in ay wada shaqeyn fiican kala dhaxeysay safaaradda Soomaaliyeed ee Sacuudiga iyaga oo gawaari iyo wax walbo oo gacan qabashada ah fududeeyay.

Mar uu ka hadlay qiimaha laga qaadi jiray xujeyda waxaa uu sheegay taariikhyo badan: 1960-64: Dalka Waxaa dalka lagu qaadi jiray 500-1200 Sh.So. oo u dhigatya $80,   1965-78 waxa lagu xajin jiray 650-150 Sh.So. oo u dhigantay($100-$220), 1979-85 waxaa lagu xajin jiray 2500-3200 Sh.So. oo u dhigatay($380-$490), 1986-89 waxaa lagu xajin-jiray 2500-3200 Sh.So. oo u dhigantay($380-$490).

Wasiirka Awqaafta & Arrimaha Diinta Xil. Dr. Iiman Cabdullahi Cali oo hadalkiisa sii wato waxaa uu yiri: Xilligii dowladda la’aanta jirtay iyo wixii ka dambeysay 1991-2000 waxaa lagu xajin jiray $800-$960, 2002-2004 waxaa lagu xajin jiray $1100-$2000, 2005-2017 waxaa lagu xajin jiray $1200-$3790, wasiirka waxaa uu Xildhibaannada ka codsaday in sanadka dambe looga bilaabo la xisaabtanka.

Mar wasiirka la weydiiyay sababta ay u kala duwan yihiin ascaarta Soomaalida laga qaado iyo midka wadama dariska ah waxaa uu ku jawaabay in Kenya lagu xajiyo $290-$3100, Itoobiya waxaa lagu xajiyaa $2600-$2900, Djioubti waxaa lagu xajiyaa 2250 oo dadka dhiibaan iyo dowladda oo qeyb ka dhiibta, Uganda waxaa looga xajiyaa $5500…isaga oo sheegay in Soomaaliya loo ogolaaday illaa 9300 oo Xaaji balse ay ka xajiyeen 7839.

Goobjoog News