U bood dhigaalka

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Oo Sheegay In Xujeyda Soomaaliya La Gaarsiiyey 11,500 

Sheeko:Dalka

Wasiirka wasaaradda awqaafta  iyo arrimaha diinta Soomaaliya Xildhibaan Sheekh Nuur Maxamed Xassan oo maalmahan booqasho rasmi ah ku joogay Sacuudiga ayaa kulamo la qaatay wasiirka Xajka iyo Cumrada Sacuudiga Dr. Maxamed Salalax Bin Dahir Bintin iyo wasiirka ku xigeenka wasaaradda Xajka & Cumrada Dr. Cabdilfataax Mashaad.

Mudane Sheekh Nuur waxaa uu mas’uuliyiinta Sacuudiga hordhigay sida ay ahaayeen xaaladda xujeyda Soomaalida ee sanadkii hore, waxyaabaha ka dhinnaa iyo faa’iidooyinka lagaaray.

Gabagabadii kulanka, dowladaha Soomaaliya iyo boqortooyada Sacuudiga ayaa ku heshiiyay qodobo badan oo dhamaantood khuseeya arriimaha xajka, waxaa ka mid ahaa in la kordhiyo tirada dadka Soomaaliyeed ee sanadka socoda gudan-doona waajibaadka Xajka.

Tirada dadka Soomaaliyeed ee sanadka soosocda xajin doona waxaa lagu daray ilaa 2,200 qof taas oo ka dhigan in tirada xujaajta Soomaalida sanadkan noqonayaan 11,500  halka sanadkii hore 9,300 oo qof oo Soomaali ah ay xajiyeen .

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta  iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya XildhibaanSheekh Nuur Maxamed Xassan ayaa sidoo kale sheegay in Xujaayda Soomaaliyeed loo ogolaado in Mina la giliyo iyada oo la isla gartay in aad loo wanaajiyo adeegyada la siiyo Soomaalida, haddey ahaan lahayd deegaannada, gaadiidka  iyo cunnada

Wasiirka waxaa kaloo uu shegay in lagu ballamay in la dadajiyo soo saarista viisayaasha xajka iyo adeegyada kale ee xajka

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta Soomaaliya Xildhibaan Sheekh Nuur Maxamed Xassan intii uu Sacuudiga joogay waxaa uu la kulmay hey’ado badan oo qaabilsan arrimaha xajka sida Mu’asasada carabta oo qaabilsan adeegyada xujayda soomaalida, Hay’adda gawaarida oo qaabilsan gaadiidka xujaajta Soomaalida iyo qaar kale.

Goobjoog News