U bood dhigaalka

Wasiirka Batroolka oo Sheegey in Kenya Aysan Shidaal Ka Baari Karin Dhul Badeedka Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Maxamed Mukhtaar oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog xili uu booqasho ku yimid xarunta idaacadda ayuu sheegey in marnaba aysan dowladda Soomaaliya ogolaan doonin in wax shidaal baaris ah ay dowladda Kenya ka sameyso dhul badeed ay Soomaaliya leedahay.

Waxa uu dhanka kale beeniyey in dowladda Soomaaliya ay la laabatay dacwad tiiley maxkamadda adduunka oo ku saabsan dhul badeed ay Kenya ku sheeganayso Soomaaliya oo dhaca Koonfurta dalka.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay shirkado aanan dowladda dhexe soo marin oo hawlo shidaal baaris ah ka waday meelo dalka ka tirsan oo ay maamul goboleedyo ka taliyaan, kuwaasi oo qaarkood lagu guuleystey in lagu cadaadiyo in ay joojiyaan hawshaasi. Waxase uu wasiirka qirey in ay wali jiraan shirkado cusub oo dalka imanaya oo galaya heshiisyo sharci daro ah.

Waxa uu ka dhawaajiyey in uu jiro guddi laga soo xuley maamul goboleedyada oo wasaaradda kala arrinsanaya sidii loo qeybsan lahaa qeybraadka dalka, kuwaasi oo waxa ay soo saaraan lagu talaabo qaadi doono marka ay noqoto in heshiisyo la galo.

Goobjoog News