U bood dhigaalka

Wasiirka Batroolka Soomaaliya Oo Ka Qeybgalaya Shir Looga Hadlayo Sahminta Shidaalka Oo Ka Dhacaya Koonfur Afrika

Sheeko:Dalka

Magaalada Cape town ee wadanka Koonfur Afrika waxaa ka furmaya shir looga hadlayo sahminta Shidaalka, iyadoo shirkaasi ay qeyb ka tahay Soomaaliya.

Dowladda federaalka waxaa shirkani uga qeybgalaya wasiirka wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Maxamed Mukhtaar Ibraahim iyo xubno ka tirsan Wasaaradiisa.

Wasiirka ayaa markii uu tagay Koonfur Afrika waxa uu saxaafadda u sheegay in sanadkaan dowladda Soomaaliya ay shirkaan horgeynayso qorshaha ah sida looga faa’ideysan karo kheyraadka dabiiciga ee dalka iyo sidoo kale in maalgashi dalka lagu sameysto.

Waxa uu tilmaamay wasiirka in shirkaan uu leeyahay muhiimad gaar ah, islamarkaana uu rajeynayo inuu soo laabto isaga oo guullo wax ku ool ah wada.

Muddo badan oo Soomaaliya ay kusoo jirtay dagaallo sokeeye iyo sidoo kale dowlad la’aan, ayaa hadda waxay diyaar u tahay inay la jaan qaado horumarada caalamka ka jira, waxaana la filayaa in dadka Soomaaliyeed ay ka faa’ideystaan kheyraadka dalkooda ka buuxa.

Goobjoog News