U bood dhigaalka

Wasiirka Beeraha Soomaaliya Oo Kulan Caalamiya Ah Kaga Qeyb Galayo Dalka Rwanda

Sheeko:Dalka

Shirkan oo ay martigalisay Dowladda Rwanda waxaa soo qaban-qaabiyay Bankiga Africa(AfDB), Heyada FAO, Hey’ada Maalgalinta Horumarinta  Beeraha Aduunka (IFAD), Bankiga Aduunka (WB), Waxaana kasoo qaybgalay Wasiirada Beeraha Afrika, Madaxda Hey’adaha Maaliyadda iyo Beeraha Ee Kor kuxusan, Khuburo kala duwan oo qaarkood haystaan Abaalmarinta Nobel Prize.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda Cunto yarida ee kusii baahaysa Afrika iyo sida Qaaradu uga bixi karto dhibaatada cunto yaraanta ah ee ka dhalatay wax soosaarka Beeraha ee Afrika oo ka hooseeya inuu quudiyo dadka Qaarada, iyo isbedelada Cimiladda oo saamayn ku yeeshay wax soo saarka Beeraha.

Shirka Waxaa hoosta looga xariiqay muhiimada ay leedahay in la isku xiro oo wadashaqayn dhow ay yeeshaan dhamaan qaybaha ay khuseyso Hey’adaha maaliyadda aduunka, hey’adaha cilmibaarista iyo culuumta Beeraha iyo ka dhabaynta wadamada Qaaradu balamada gobolleed iyo kuwa caalamiga ah u sameeyay oo uu ugu horeeyo Qorshaha dhamaystiran ee horumarinta Beeraha Africa ee loosoo gaabiyo (CAADP).

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya oo shirkaas uu uga qaybgalay Wasiirka Beeraha Iyo Waraabka Soomaaliya Mudane Siciid Xuseen Ciid iyo khubaro ka socota Wasaaradda, Waxuu intii shirku socday kulamo kala duwan la yeeshay Wasiiradii halkaas yimid iyo Hey’adaha Caalamiga ah ee Shirkaas soo qabanqaabiyay, Wasiir Ciid ayaana uga Warbixiyay  Xaalada Beeraha Soomaaliya.

Wuxuu u xaqiiyay in Dowladda Soomaaliya ay ku jirto dadaalo badan oo ay dib ugu soo nooleeneyso kaabayasha Beeraha ,isagoo dhinaca kale Hey’adaha ay arintan quseyso  ka codsaday in la taageero qorshaha Dowlada Soomaaliya ee ku salaysan gaarista yoolalka caalamiga ee hoos u dhigida gaajada iyo gaarista badbaado cunto.

Wasiirka Beeraha Iyo Waraabka Soomaaliya Mudane Siciid Xuseen Ciid ayaa sidoo kale kulamo la yeeshay madax kala duwan oo magac ku leh Qaaradda Afrika kuwaas oo ay ka mid ahaayeyn Madaxweynihii hore ee dalka Nigeria Olusegun Obasanjo iyo Raiisal Wasaarihii hore ee Itoobiya Hailemariam Desalegn kuwaas oo shirka kasoo jeediyay talooyin wax ku ool ah.

 

Goobjoog News

Mawduucyada:Banaadir