U bood dhigaalka

Wasiirka Biyaha Somaliland: “Biyo Hargeysa la keenaa ma jiraan”

Sheeko:Dalka

Wasiirka wasaaradda biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore ayaa sheegay in aanay hadda jirin biyo magaalada Hargeysa loo soo saarayo isla markaana mashruucii biyaha ee Xunbo-wayne aanu ahayn mid hadda biyo laga helayo oo deegaanka Xunbo-wayne aanay biyaba ku jirin.

“Dadka waxaan leeyahay inta aan laga hadlin waddada biyaha lasoo marinayo horta biyo ma jiraan mise ma jiraan?, Haddaan wasiirkii wasaaradda biyaha ahay waxaan idin leeyahay biyo Hargeysa la keenaa ma jiraan” ayuu yidhi wasiirku.

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in aanay jirin wax rajjo ah oo hadda laga qabo biyo ballaadhinta caasimadda Hargeysa, maadaama deegaanka Xunbo-wayne oo uu ka socday mashruuca biyo ballaadhintu aanay ku jirin biyo.

Ugu dambeyntii, xukuumaddii hore ee madaxweyne Siilaanyo ayaa markii ay xilka la wareegtay sheegtay in Caasimadda Hargeysa ay heli doonto biyo ku filan hase ahaatee waxay xilka ka degtay iyadoo Hargeysa aanay weli helin biyo ku filan.

Goobjoog News