U bood dhigaalka

Wasiirka Caafimaadka Hirshabelle Oo Maanta Hortagaya Baarlamaanka Maamulkaasi

Sheeko:Caafimaadka

Maanta oo Sabti ah ayaa lagu wadaa in wasiirka wasaaradda caafimaadka ee maamulka Hirshabelle Cabdi Maxamed uu hortago xildhibaannada baarlamaanka maamulkaasi.

Xildhibaannada ayaa wasiirka weydiin doona su’aallo badan oo ku aadan howlihiisa shaqo.

Waxyaabaha la weydiin doono waxaa ka mid ah waxyaabihii ay wasaaradda caafimaadka ka qabatay baahiyaha caafimaad ee ka jira deegaannada Hirshabelle iyo arrimo kale.

Wasiirka ayaa la filayaa in jawaab uu ka bixiyo dhammaan su’aalaha kaga yimaada xildhibaannada baarlamaanka ee maamulkaasi.

Baarlamaanka Hirshabelle ayaa wada la xisaabtanka wasiirada maamulkaasi, waxaana ay horay su’aallo u weydiiyeen wasiirada kala ah qorsheynta, Cadaaladda iyo maaliyadda.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News