U bood dhigaalka

Wasiirka Caafimaadka Ingiriiska Oo Laga Helay Caabuqa Coronavirus

Sheeko:Caalamka

Wasiirka caafimaadka dalka Ingiriiska haweeneyda lagu magacaabo Nadine Dorries ayaa lagu soo waramayaa in laga helay caabuqa Coronavirus oo dunida maalinba maalinta ka dambeysa ku sii fidaya.

Haweyneydaan ayaa sheegtay markii baaritaan lagu sameeyay in laga helay islamarkaana ay qaadatay tallooyinkii lagu la taliyay sidaasi darteedna ay gurigeeda isku karaantiishay haatan.

Arrintan ayaa imaaneyso iyadoo dhawaan lix qof ay dalka Ingiriiska ugu dhinteen xanuunka, halka 382 oo ku nool Britain na uu haleelay xanuunkaas.

Dhanka kale hey’adda caafimaadka ee Britain ayaa sheegtay in ay sare u qaadeyso heerka baaritanaada xanuunka corona, maadaama ay sare u kacayaan dadka uu ku dhacayo caabuqaas. Waxaa kale oo ay sheegeen in maalintiiba kun qof laga baari karo xanuunka.

Sidoo kale dalka Turkiga ayaa laga helay kiiskii ugu horeeyay ee caabuqa Coronavirus.

Goobjoog News