U bood dhigaalka

Wasiirka Caafimaadka Oo Aqalka Sare Ka Akhrineysa Sharciyeedka Mihnadlayaasha Caafimaadka

Sheeko:Dalka

Golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ayaa maanta kulan caadi ah ku leh xaruntooda magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ay xaadir yihiin ilaa 30 Senator, waxaa guddoominaya guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee aqalka sare mudane Abshir Maxamed Axmed.

Ajenadaha kulanka waxaa aqrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka Mihnadlayaasha Caafimaadka, waxaana joogta wasiirka caafimaadka xukuumadda federaalka ah marwo Fowsiyo Nuur.

ee Hindise Sharciyeedka Mihnadlayaasha Caafimaadka ayaa ka soo gudbey golaha shacabka, waxaana uuna maanta marayaa akhrinta koowaad ee aqalka sare.

Goobjoog News