U bood dhigaalka

Wasiirka Cadaaladda K/galbeed: Shacabka Kuma Qanacsana Xukunnada Ay Maxkamadaha Ridaan

Sheeko:Dalka

Wasaaradda cadaaladda iyo garsoorka ee maamulka K/galbeed ayaa sheegtay in shacabka Soomaaliyeed aanay ku qanacsaneyn xukunnada ay fuliyaan maxkamada dalka.

Wasiiirka wasaaraddan Xasan Ibraahim ayaa sheegay in cadaaladda Soomaaliya ay tahay af un, balse aan la fulin waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uu tilmaamay in haddii garsoorka guud ee dalka uu hagaago ay ka dhigan tahay in dalka dhan uu amni iyo kala dambeyn heli doono.

Wasiirka oo soo hadal qaaday qorshaha maamulka K/galbeed ku doonayo in lagu hagaajiyo garsoorka ayaa sheegay in hadda maxkamada maamulkaasi loo dhiibayo dad aqoon u leh.

“Shacabka kuma qanacsana xukunnada ku dhaca sababtoo ah waxa uu ka baqayaa in laaluush ama wax la mid ah inta la bixiyo isna la duudsiiyo xaqiisa, garsoorka oo hagaago waa dalka oo hagaaga”

Ugu dmabeyn Wasiir Xasan ayaa soo jeediyey guud ahaan maxkamadaha dalka ay si cadaalad ah u waafaqaan shaqooyinka muhiimka ah ee loo dhiibay, si aan qiyaano ku jirinna u wajahaan shaqooyinkooda.

Goobjoog News