U bood dhigaalka

Wasiirka Caddaalada Puntland oo Sheegey in Maxaabiis Xabsi Laga Siidaayay

Sheeko:Dalka

Ismaaciim MaxamedWasiirka Caddaalada Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame oo shalay ka hadlayay madasha la xisaabtanka xukuumadda Puntland ayaa sheegey in xabsi ku yaala Garoowe ay kasii daayeen maxaabiis badan, kuwaasi oo loo heystey dambiyo kala duwan.

Wasiirka ayaa sheegey in kadib baaris lagu sameeyey maxaabiistani, ayuu wasiirka sheegey in wax dambi ah lagu waayay, tanina ay kala fududeysey culeyskii xabsiyada heystey.

Wasiirka ayaa dhanka kale sheegey in Puntland ay heysato xabsiyo ku filan, islamarkaasina nidaamka caddaalada uu wanaagsanyahay.

Waxa uu ka mid ahaa wasiiro madaxweynaha Puntland uu weeydiinayay su’aalo kala duwan oo ku saabsan shaqadooda iyo waxqabadkooda.

Goobjoog News