U bood dhigaalka

Wasiirka Cayaaraha Somaliland: Tartankan Dhiirigalin ayuu u yahay Dhalinyarada Somaliland

Sheeko:Dalka

Waxaa Hargeysa jimcihii lagu qabtay tartanka orodka dheer ee 42km iyo 10km (Somaliland International Marathon) kaasi oo ay ka qayb-qaateen 205 orodyahan kuwaasi oo 21 ka mid ah ay ahaayeen ajaanib.

Kaalinta koowaad waxaa galay tartanka orodka 42km orodyan u dhashay dalka ingiriiska, halka orodka 10km uu galay kaalinta koowaad Siciid Farxaan Cumar oo reer Hargeysa ah.

Tartankan oo ka qabsoomay magaalada Hargeysa gaar ahaan garoonka kubadda cagta ee Hargeysa Stadium ayaa waxa kasoo qayb-galay madaxda wasaaradda ciyaaraha Somaliland oo iyagu soo qaban-qaabiyay iyo masuuliyiiin kale oo ka socotay xukuumadda Somaliland.

Wasiirka Ciyaaraha Boos Mire Maxamed oo Goobjoog News la hadlay ayaa sheegay in ay sanadkiiba hal mar ay qaban doonnaan tartanka orodka ee Somaliland.

“Waa markii ugu horraysey ee tartan noocan oo kale ah oo caalami ah lagu qabanayo Somaliland, waxaana ka qayb-qaadanaya 205 orodyahan oo 21 kamid ah ay yihiin ajaanib” ayuu yidhi wasiirka ciyaaraha Somaliland.

Boos Mire Maxamed ayaa sheegay in tartanka uu dhiirigalin u yahay dhalinyarada Somaliland; “Dhiirigalin ayuu u yahay dhalinyarada Somaliland inay helaan dad ajaaniib ah oo ka khibrad badan isla markaana ay la tartamaan iyo in orodku mustaqbal leeyahay”

Goobjoog News