U bood dhigaalka

Wasiirka Cusub Ee Gaashaandhiga Oo Maanta Xilka La Wareegay

Sheeko:Dalka

Wasiirka cusub ee wasaaradda Gaashaandhiga xukuumadda Federaalka Soomaliya, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta si rasmi ah xilkaasi ula wareegay, kadib munaasabad ka dhacday xarunta wasaaradda difaca ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadan waxaa ka qeybgalay wasiir ku xigeenka wasaaraddaasi, guddiga difaaca baarlamaanka, xildhibaanno, Taliyaha ciidanka xoogga dalka, Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiir Maxamed oo hadal ka jeediyey munaasabaddaasi ayaa sheegay in uu qorsheynayo xoojinta iyo tayeenta ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu sheegay wasiirka si loo adkeeyo difaaca dalka iney muhiim tahay in la dhiso ciidamo xooggan oo xoogga dalka ah.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa dhowaan xilka wasiirka difaaca usoo magacaabay Maxamed Sheekh Mursal, kadib markii uu is casilay C/rashiid C/llaahi Maxamed oo xilkaasi hayey.

Goobjoog News