U bood dhigaalka

Wasiirka Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa Qalad Ku Tilmaamay in la Diido Bannaabax iyo Shirar

Sheeko:Baarlamaanka

Wasiirka dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa qalad ku tilmaamay  in la diido bannaabax iyo shirar, hadalka wasiirka, waxaa uu ka hor imaanayaa war uu saxaafadda u sheegay saacado ka hor wasiirka amniga  Maxamed Abukar Islow Ducaale.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan ka codsaneynaa iney la shaqeeyaan hay’adaha amniga, sidoo kale shacabka waxaan ka codsaneynaa in mar walbo hay’adaha amniga u dhego nuglaadaan ayna ku dhaqaaqaan awaamiirta ay soo gudbiyeen xeer ilaaliyaha ama shuruuicda, sidoo kale waxaan rabnaa in halkaan ka cadeynno in goobaha mar kasta lagu shiro in iyadoo fasax haysan aan la sameyn  karin, waxaan rabnaa in mar walbo oo la shirayo in fasax laga qaato wasaaradda amniga iyo maamulka gobolka Banaadir, shacabka Soomaaliyeed waxaa loogu baaqayaa iney kaalin ka qaataan amniga, nabadeynta, kana fogaadaan fal kasto oo keeni kara xasilooni darro siyaasadeed iyo mid amni, muwaadin walba waxaa waajib ku ah in danta guud uu kahormariyo danta gaarka ah” ayuu yiri wasiir Maxamed Abukar Islow Ducaale.

Hadaba, wasiirka wasiirka arrimaha dastuurka Soomaaliya  Avv. Cabdiraxmaan Xoosh  Jibriil waxaa uu soo qaatay in diidmada bannaabaxyada  iyo Shirarka ay ka hor imaaneyso qodobo dastuuri ah sida qodobka 16aad iyo 20aad.

Akhriso, Labada qodob uu Wasiirka Dastuurka ka hadlay:

Qodobka 20aad: Xorriyadda Kulanka, Bannaanbaxa, Cabashada iyo Codsi-wadareedka

(1)         Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu abaabulo, kana qaybgalo kulammo ama bannaabax oo si xasilooni ah cabasho loogu muujinayo, iyada oo aan oggolaansho loo baahnayn.

(2)         Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu cabasho qoraal ah u gudbiyo hay’adaha Dawladda.

Qodobka 16aad. Xorriyadda Abuuridda iyo Ka-mid-noqoshada Ururrada

Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu ku biiro qof kale ama koox . Xaqaas waxaa ka mid ah inuu abaabulo ama ka mid noqdo ururro ay ka mid yihiin ururro shaqaale ama xisbiyo siyaasadeed. Wuxuu kaloo xor u yahay in uusan cidna ku biirin, lagumana qasbi karo inuu cid kale ku biiro.

Goobjoog News