U bood dhigaalka

Wasiirka Dastuurka “Dastuurka Hogaamintiisa iyo lahaanshiyahiisa Soomaali Ayaa Iska Leh”

Sheeko:Dalka

Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya Xuseen Maxamed Sheekh ayaa sheegay in ay tahay mid mudan in la kala saaro sida dowladda dhexe, maamulka gobaleedyada iyo dadka u dhqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ay u mari lahaayeen geedi qaadka dardar gelinta.

Waxa uu sidoo kale sheegay wasiirka in qubaro aqoon durugsan u leh Dasuurka ay dowladda hadda ka caawinayaan hagaajinta Dastuurka KMG ee dalka.

“Dowladda dhexe iyo dowlad gobaleedka sida ay awoodooda kala noqneyso sida kheyraadka dalka ay dowladda dhexe iyo dowlad gobaleedyada ay u kala qeybsanayaan, arrimaha maxkamadaha iyo garsoorka sida ay awoodahooda kala noqonayaan, arrimaha ku saabsan caasimadda, iyo arrimo badan oo kala duwan sida System-ka aan qadaneyno nooca uu noqonayo qeybta madaxweynaha, baarlamaanka, arrimahaasi oo dhan ayeey fikir naga siinayeen, Arrinta Dastuurka waa arrin ay u madaxbanaan tahay dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda, waxaana leh hogaamintiisa iyo lahaanshiyahiisa Soomaaliya ayaa iska leh, laakiin qubaradaan Fikir ayeey naga siinayeen, waxayna ahaayeen Afar qubaro oo kala duwan”

“Dastuurka sida aad la socotaan waxa uu u kala qeybsan yahay , qeyb Farsamo oo ah qeybta ugu weyn iyo qeybta awood qeybsiga ee dowladda dhexe iyo dowlad gobaleedyada oo 35% ah, waana midda aan u baahannahay inay fikir naga siiyaan, waana midda u baahan in wada xaajood lagala galo dowlad gobaleedyada xubinta ka ah dowladda Soomaaliya” ayuu yiri wasiirka.

Wasaaradda Dastuurka xukuumadda Soomaaliya ayaa wado wadatashiyo ku aadan Arrimaha Dastuurka KMG ee dalka, kaasi oo ay la yeelanayo qeybaha kala duwan ee bulshada iyo sidoo kale maamul gobaleedyada dalka ka jira.

Goobjoog News