U bood dhigaalka

Wasiirka Dekedaha Iyo Maalgashato Qatariyiin Ah Oo Booqday Hobyo

Sheeko:Dalka

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda  Soomaaliya Maryan Aweys Jaamac iyo wafdi ay hoggaamineyso ayaa gaaray Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Wafdigan ayaa ka kooban xubno ka tirsan wasaaradda dekadaha Soomaaliya iyo wafdi ka socda dalka Qatar waxaa ayna Hobyo u tageen kormeer ay  ku samaynayaan Dekedda qaddiimiga ah ee Magaaladaasi.

Wafdigan ka socda Dowladda Qatar ayaa Shalay soo gaaray Muqdisho ujeedkiisuna ahaa sidii ay qiimayn ugu sameeyn lahaayeen qaar ka mid ah Dekedaha Dalka.

Shalay ayaa la sheegay in wafdiga Qatar ay u gudbi doonaan gobollada dalka si ay daraasad ugu soo sameeyaan Dekadaha u baahan dib u dhisaka.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada