U bood dhigaalka

Wasiirka Dhallinyarada & Ciyaaraha Puntland Ayaa Kulan La Qaatay Injineerka Gacanta Ku Kaya Dhismaha Garoonka Kubbadda Cagta Mire Awaare Ee Caasimada Puntland

Sheeko:Cayaaraha

Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maamulka Puntland ayaa kulan la qaatay Injineerka Gacanta ku haya dhismaha Garoonka Kubbadda cagta Mire Awaare ee Caasimada Dowladda Puntland.

Wasiir Jaamac Faarax Muuse oo uu Weheliyo Agaasimaha Guud Axmed Cabdalla Tigaana ayaa kulan soo dhowayn iyo Iswaraysi la qaatay injineerka, injineerka ayaa dalka dabadiisa ku maqnaa mudooyinkii u danbayey Xanuunka Dunida Saameeyey Covid19 awgii oo shaqadu gaabis ku timi mudadaa.

Kulankan ayaa waxaa goob joog ahaa Madax ka tirsan xiriirka kuubada Cagta Puntland iyo Gudoomiyaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Gobolka Nugaal.

Kulankan ayaa ahaa sidii loo dardar gallin lahaa Dhismaha Garoonka mudo koobana ugu dhamaan lahaa qaybaha ka harsan dhismaha Garoonka loona gogli lahaa Rooga Cagaaran, injineerka gacanta ku haya ayaa Cadeeyey inay soo gaba gabayn doonaan Dhisamaha Garoon Dhamaadka bisha September 2020.

Guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda cagta Maxamed Cali Ciise (Ciiro) ayaa sheegay in ay dhawaan heli doonaan garoomo kubbadda cagta oo si wanaagsan loo diyaariyay.

Ugu Danbayntii wasiirka Wasaaradda Mudane Jaamac Faarax ayaa u mahad Celiyey injineerka, Gudida Garoonka iyo Cid walba oo ka qayb qaadatay dhismaha Garoonka Kuubada cagta ee Mire awaare, wuxuuna Dhallinyarada ugu bushaareeyey in la dhamays tiri doono kuna qabsoomi doonto Ciyaaraha Gobolada Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maamulka Puntland Jaamac Faarax Muuse ayaa bogaadiyay da’daalada dib u dhiska garoomada kubbadda cagta Puntland wuxuuna sheegay in Dowladda ay dhallinyarada u diyaarinayso garoomo caalami,isagoo bulshada Puntland ee gudaha iyo dibada ugu baaqay in laga qeyb qaato horomarka iyo kobaca isboortiga deegaanada kala duwan ee maamulkaas.

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle