U bood dhigaalka

Wasiirka Gaashaandhigga DFS Oo Is Casilay

Sheeko:Dalka

Wasiirka Gaashaandhigga ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh ayaa goor dhow ku dhowaaqay inuu xilkaasi iska casilay.

Wasiirka ayaa sababta uu isku casilay waxay tahay kadib markii uu isku diiwaangeliyey doorashada guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Waa wasiirkii Afaraad ee isku casila doorashada guddoomiyaha golaha shacabka ee la filayo in la qabto 30-ka bishan April.

Guddiga doorashadan ayaa shuruudaha ay soo bandhigeen waxaa ka mid ahayd in aanu is diiwaangelin karin musharraxiinta wasiirada ah illaa ay xilkaasi iska casilaan.

Goobjoog News