U bood dhigaalka

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Diini oo Kismaayo Ku Booqday Xero Tababar Looga Dhigo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Kismaayo, May 22, 2015….Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane  Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini iyo madax ka tirsan maamulka Jubba oo uu ugu horeeyo Madaxweyne ku-xigeenka Jubba Gen, Abdilaahi  Shiikh Ismaciil (Fartaag) ayaa  ugu horeyn waxaa ay socdaal lug ah ku soomareen deegaanka loo qorsheynayo in xero tababar looga dhigo ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, kaasi oo aan sidaasi uga fogeyn duleedka Kismaayo.

Col, Badri Shiikh Ismaciil oo ku hadlayey magaca ciidanka dowladda ee mar hore laga soo xareeyey deegaanka Goobweyn, ayaa waxaa uu sheegay inay si weyn ugu faraxsan yihiin booqashada wasiirka gaashandhiga uu maanta ugu yimid iyo qorshaha uu wado ee ku aadan dhismaha ciidan qaran oo la isku dhafay.

“Waxaa u hanweynahay dadaalka aad wado inuu noqonayo midkii loo baahnaa, maxaa yeelay dalkeena ciidan qaran oo khibrad leh ayuu u baahan yahay, waliba aan midab gaar ah laheyn” ayuu yiri Col, Badri Shiikh Ismacil.

Dhinaca kale madaxweyne kuxigeenka  Jubba Gen, Abdilahi Shiikh Ismacil “Fartaag” ayaa sheegay ka maamul ahaan inay soo dhaweynayaan dadaalka uu wado wasiirka gaashaandhiga, halka uu ciidanka ay maanta booqdeen ugu baaqay inay u dhaga-nuglaadaan howsha ciidanka qaran ee la wado.

Wasiirka gaashandhiga DFS Gen, Abdiqadir Shiikh Ali “Diini” oo hadal u jeediyey ciidanka dowlada ayaa waxaa uu sheegay inay muujiyeen dulqaad badan iyo dhabar-adeeg,islamarkaana ay dowlada Soomaaliya ka warqabto ciidanka meelkasta oo ay joogaan.

Waxaana uu kala hadlay qorshaha ay wado wasaaradda Gaashaandhiga, kaasi oo la xiriira in la helo ciidaan wata magaca qaranka Soomaaliya, isagoona ku tilmaamay wadada loo mari karo inay tahay isku dhaf lagu sameeyo ciidamada kala jooga gobollada dalka.

“Dal waxaa uu ka dhismaa waa ciidanka uu hadba leeyahay, sidaasi darteed waxaan go’aansanay in aan sameyno barnaamij aan ugu magacdarnay (isku dhafka ciidanka qaranka), oo aan hubno inuu fure u noqon doono meesha aan u socono ee ah ciidan qaran” ayuu yiri Gen, Abdiqaadir Diini, waxaana uu intaasi raaciyey :

“ Dhallinyarada waa xoogga dalka, waxaana la gudboon inay ciidanka qaranka ka mid noqdaan si looga guuleysto cadowga Al-Shabaab, sidaasi darteed, waxaan idiin diyaarin doonaa inaad ciidan qaran oo aan hal beel aheyn noqotaan, kuwii aan ciidan noqon karina aan xirfad ay ku shaqeystaan u sameyno” ayuu yiri Wasiirka Gaashandhiga DFS Gen, Abdiqadir Diini.

Ugu danbeyntiina socdaalka wasiirka Gaashandhiga waxaa uu kusoo afmeeray ciidan ka tirsan maamulka Jubba, kuwaasi oo tababar ahaan loogu wado dalka isku-taga imaaraadka,waxaana uu kula dardaarmay inay ka faa’ideystaan aqoonta loo wado iyo fursada ay u heystaan inay dalkooda difaacaan.

IMG_3524 - Copy IMG_3361 IMG_3365 IMG_3388