U bood dhigaalka

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Howlgallada Gobolka Hiiraan

Sheeko:Amniga

Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda federalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ku sugan gobolka Hiiraan ayaa booqday ciidamada xoogga dalka qeybta 27-aad ee howlgallada kawada gobolkaas, waxaana wasiirka uu sheegay in ay dhiira gelinayaan howlgallada socda ayna dowladda ka go’an tahay la dagaalanka Al-shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka ayaa ciidamada xoogga iyo Macawisleyda uga mahadceliyay sida ay ula dagaalamayaan Al-shabaab deegaannada ay kala wareegeen, waxaana uu hadalkiisa sii raaciyay in muhiim ay tahay in laga saaro deegaannada kale ay kaga sugan yihiin gobolka Hiiraan, waxaana uu ciidanka kula dardaarmay in ay sii wadaan howlgallada ayna dowladdu taagi doonto.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka General Odawaa  Yuusuf Raage ayaa dhankiisa sheegay in ciidanku ay aad uga fakaran in deegaan lala wareegay ay dib markale u qabsadaan dagaalamayaasha Al-shabaab, maadaama ay horay u dhacday in marar badan in ciidanku deegaanno badan ay gaareen dib uga soo laabtaan, taliyaha ayaa xusay in la joojiyo oo aysan dib u dhicin.

Hadalka kasoo baxay wasiirka ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo dhowaan gobolka Hiraan laga bilaabay howlgallo ka dhanka, kaas oo ay ciidanku ku gaareen deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka, kuwaas oo dhaxeeya degmooyinka Matabaan iyo Maxaas, howlgalkaan ayaa waxaa hoggaaminaayo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

Goobjoog  News