U bood dhigaalka

Wasiirka Gashaandhigga Mareykanka Oo Yididiilo Ka Muujiyay Isla Xisaabtanka Dowladda Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Wasiirka Gashaandhigga Mareykanka Jim Mattis ayaa jimcihii waxaa uu aqalka cad ka sheegay yididiiladiisa ku aadan isla xisaabtan-ka ka jiro hey’adaha dowliga ee Soomaaliya.

Jim Mattis ayaa intaasi ku daray in Soomaaliya ka soo reyneyso qaabka loo qeybiyo gagaarka ku aadan Raashinka iyo Shidaalka ee la siiyo ciidamada Soomaalida.

“ Waxaan hubaa in aan awoodno xakameynta waxa kana, xitaa haddii aanan dhammaan xakameyn Karin, qeyb ka mid ah”.

Mattis waxaa uu qabaa in isbadalka ku saabsan dhaqanka musuqa uu qaadan-doono muddo isaga oo intaasi raaciyay in madaxda cusub mudan yihiin in la taageero.

Hadalka wasiirka gashaandhigga Mareykanka Jim Mattis waxaa uu imaanayaa kadib markii dowladda Mareykanka ay joojisay saadkii ay sii jirtay ciidamada xoogga dalka sida raashiin, shidaal iyo hub.

Goobjoog News