U bood dhigaalka

Wasiirka Gashaandhigga Ruushka: Waxaan Bilownay In Ciidamdeenna Kala Baxno Suuriya

Sheeko:Dalka

Wasiirka Gashaandhigga Ruushka  Sergei Shoigu  ayaa sheegay in dalkiisa uu bilaabay in ay ciidamada kala baxaan Suuriya halkaas oo ay ku suganaayeen sanadihii ugu dambeeyay.

Wasiirka waxaa uu intaasi ku daray in mudada ay socon-doonto ka baxitaanka ciidanka ay ku xiran tahay sida ay noqoto xaaladda dalkaasi.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Isniintii booqasho lama filaan ah ku tagay Suuriya isaga oo ku dhawaaqay in ciidamadiisa uu la bixi-doono.

Ruush-ka waxaa uu ka mid ahaa dalalka gacanta ku siiyay maamulka Bashaar Al-asad in ay la dagaalaan Daacish, kana saaraan magaalooyin badan oo ka tirsan Suuriya.

Goobjoog News