U bood dhigaalka

Wasiirka Kalluumeysiga Oo Bixiyey Shatiyo, Akhriso Dalka La Siiyey Iyo Qaabka

Sheeko:Dalka

Wasiirka Kalluumeysiga iyo kheyraadka Badda Cabdillahi Bidhan Warsame ayaa bixiyey  shatiyo kalluumeysiga Soomaaliya.

Shatiyada oo la siiyey iskaashatada COFA ee dalka Shiinaha waa ilaa 31 (Shati),  waxaa ay noqonayaan kuwii ugu horreeyey oo si daahfuran dalka looga bixiyo muddo 30 sano ka badan. Hal milyan oo Dollar-ka Marekanka ah ayaa lagu bixiyey 31-da shati ee ay Wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda saxiixday.

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraad-ka Badda Cabdillahi Bidhaan Warsame ayaa ugu baaqay ganacsata dibedda ee daneyneysa kalluunka Soomaaliya in ay habraac daah-furan u soo maraan isaga oo u ballan qaaday in la siin doono shatiyada balse ka digay in ay si aan sharci ahayn uga kalluumeystaan Badda Soomaaliya.

“Waa Ilaahay galladdiis in aan maanta isugu nimid in aan si daah-furan aan xatooyo ahayn aan ku bixineyno ruqsadaha Kalluumeysiga ee Badweynta Soomaaliya. Qof walba oo soo dalbada Laysanka Tuna-nada waxa uu marayaa Borosees, waxa uu soo dalbanaya Laysanka, marka uu soo dalbado waxaa la baari doonaa Markabkiisa iyo waxa uu ka kalluumeysanayo .”

Wasiirka waxa uu hadalkiisa raaciyey: “Qolyaha nagu soo duulayow, badaha yaga ku soo duulay ee sida sharci daradda ah uga kalluumeysata, si sharciyada Ayaan Laysanka idiin siin doonaaye duullaanka iyo tuuganimada naga daaya.”

Waxaa isna meesha ka hadlay wasiirka shaqada iyo shaqaaaha Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in shaqo abuur badan ay bulshada Soomaaliyeed ka heli doonto Shatiyada ay Wasaaradda Kalluumeysiga daahfurtay bixintiisa.

Sidoo kale waxaa isna hadlay Safiirka China Qin Jian oo ay dalkiisa maamusho iskaashatooyinka ay Wasaaradda Kalluumeysiga sisay Shatiyada waxa uuna sheegay in dhowaan Madaxweynaha China Xi Pin Soomaaliya u imaan doono si loo xooiyo iskaashiga dhaqaale ee labada si gaar ahna la’isugu xiro labada Wasaarood ee Kalluumeysiga Soomaaliya iyo China.

Ra’iusl Wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed Khadar oo  ugu dambeyn hadal ka jeediyey goobta oo ay xarunta Wasaaradda Kalluumeysiga ayaa sheegay in Soomaaliya bilowday ka faa’ideysiga kheyraadka dalkeeda ku jira ayna mudan tahay in looga faa’ideysto aduunka daneenaya in ay naga iibsadaan.

Mahdi Guuleed waxa uu dhinaca kale ka booray bulshada Soomaaliyeed in laga hortago dhallinyrada shaqo la’aanta la tahriibeysa iyo in laga hortago kalluumeysiga shari daradda ah ee dalkeena laga sameeyo.

Nooca Kalluunka La Bixiyey?

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda waxa ay Iskaashatada Cofa u saxiixday in ay la bixi karto kalluunka Tuna oo kaliya.

Iyada oo laga shidaal qaadanayo in dalka hadda awood buuxda u lahayn ilaalita Badda iyo la socodka dhaq dhaqaaqa maraakiibta loo fasaxo  in ay ka kalluumeystaan waxa ay ogolaatay in lala boxo kalluunka Tuna oo ah mid guur guura sanadkiina laba mar soo mara Soomaaliya.

Wasaaradda waxa ay maraakiibta ku dari doontaa shaqaale kor joogteeya nooca kalluunka ay la baxayaan iskaashada fasaxa la siiyey, sidoo kale waxa ay mari doonaan dalka Seychelles si loogu baaro.

Dhawaan ururka Fisher I Africa oo Badaha Africa ka ilaaliya Kalluumeysiga sharci daradda ah ayaa Soomaaliya siin doona laba doon oo lagula socdo dhaq dhaqaaqa ka socda Badaha dalka.

Yaa Soomaaliya ka caawiyey bixita Shatiyada?

Soomaaliya waxaa dhinaca farsamada ka taageera oo dhaqaale ku bixiyey Dowladda Talyaaniga iyo Bangiga Aduunka.

Goobjoog News