U bood dhigaalka

Wasiirka Koowaad Ee Galmudug Oo Sheegay In Wadahadal Lagu Dhammeynayo Khilaafka Jira

Sheeko:Dalka

Wasiirka Koowaad ee maamulka Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir ayaa sheegay in wadahadal lagu dhammeyn doono khilaafka baahsan ee xilligan ka dhex jira maamulkaasi.

Sheekh Shaakir ayaa sheegay iney diyaar u yihiin in wax walbo lagu dhammeeyo is faham iyo wadahadal, sidoo kalena wuxuu tilmaamay in ka xukuumad ahaan ay la fariisan doonaan cid walbo oo wax tabeysa.

“Cid walbo oo Galmudug dhexdeeda ah misane wax tabeysa diyaar baan u nahay inaan xalinno, waxaan sidoo kale sheegeynaa in muhiim ay tahay is faham iyo wadaxaajood” ayuu yiri Sheekh Shaakir.

Waxaa soo shaac baxay khilaaf ka dhaxeeya madaxda sare ee Galmudug iyadoo hadda ay isku garab yihiin madaxweyne ku xigeenka maamulkan iyo guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug.

Cali Gacal Casir, Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug oo shalay saxaafadda kula hadlay Cadaado wuxuu sheegay in aanu jirin baarlamaan ay ku midoobeen Ahlu-sunna iyo Galmudug.,

Goobjoog News