U bood dhigaalka

Wasiirka maaliyadda dalka oo booqasho ku jooga Kismaayo

Sheeko:War

Waxaa galinkii danbe ee shalay gaaray Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose wasiirka maaliyadda xukuumadda faderaalka ah ee Soomaaliya mudane Xuseen Cabdi Xalane iyo mas’uuliyin kale oo dowladda ka socda.

Mas’uuliyin ka tirsan maamulka ayaa wasiirka ugu hortagtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo halkaas oo lugu soo dhaweeyey,waxaana uu xalay ku hoyday xarunta madaxtooyada ee maamulka KMG ah ee Jubba.

Wasiirka iyo wafdigiisa oo ka soo kicitimay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa la sheegay inay la shiri doonan madaxda maamulka Jubba oo la sheegay inay kala hadli doonan arrimo la xiriira dowladda faderaalka iyo maamulka Jubba.

Horay looma shaacin socdalka uu ku tagay Kismaayo wasiirka maaliyadda xukuumadda faderaalka ah ee Soomaaliya, Xuseen Cabdi Xalane mana jirto wax faahfaahin ah oo uu ka bixiyey socdaalka uu ku tagay Kismaayo.

“Wasiirku waxaa uu yimid deegaankiisi waxaa uu sugnaan doonna Kismaayo muddo,isagoo la shiraya madaxda iyo shacabka Jubbaland.” ayuu yiri sargaal ka tirsan madaxtooyada maamulka Jubba oo Raxanreeb la hadlay.

Kismaayo sidoo kale,waxaa ku sugan xubno ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ee gobollada ka soo jeeda,waxaana dhawaan lugu wada in magaalada Kismaayo uu ka furmo shirar u dhaxeeya madaxda dowladda faderaalka ka socda iyo madaxda maamulka Jubba.

Dhinaca kale,waxaa wali ka socda Kismaayo qorshihii lugu dhisayey baarlamaanka maamulka Jubba,waxaana la sheegay in xilligan dhismaha baarlamaanku uu marayo heer gabo gabo ah.

Wararka Goobjoog news