U bood dhigaalka

Wasiirka Maaliyadda Federalka iyo Wasiirrada Heer Dowlad Goboleed oo Shir u Furmay

Sheeko:Dalka
Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cilmi Maxamuud Nuur ayaa furay shirka maaliyadda dadka oo ay ku wada hadlayaan wasaaradaha Maaliyadda dowlad goboleedyada iyo wasaaradda Maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo looga hadlayo arrimo dhowr ah oo quseeya labada dhinac iyo sidii loo wada shaqeyn lahaa.
Shirkaan waxaa ka qeyb galayaa wasaaradda Maaliyadda iyo mas’uuliyiinya hayaa!y’adaga Maaliyadda dalka
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa yirri ” Waxaa maanta innoo furmay shirka guud ee Maaliyadda dalka oo u dhexeeya wasiirada maaliyadda dowlad-goboleed yada iyo Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federal ka ah ee Soomaaliya.”
Wasiir Cilmi ayaa sheegay in shirkani ay ugu hadlayaan iskaashiga dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada iyo horumarinta maaliyadda dalka”Shirkaan ayaan uga wada hadlaynaa dar-dargalinta horumarinta maaliyadda dalka iyo iskaashiga joogtada ah ee Dowladda Federalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah” ayuu yiri wasiirka maaliyadda.
Shirkaan oo maalmo soconaya ayaa ujeedkiisu waxaa uu yahay xoojinta wadashaqeynta iyo iskaashiga labada heer ee Dowladda iyo dowlad goboleedyada si loo joogteeyo guulaha dib u habeynta iyo horumarinta Maaliyadda dalka, xilli dhowaan qoraal kasoo baxay wasaaradaha maaliyadaha maamul goboleedyada lagu joojiyay wadashaqeybnta.