U bood dhigaalka

Wasiirka Maaliyadda Giriiga oo is Casilay

Sheeko:Dalka

Wasiirka Maaliyadda dalka Giriiga Yanis Varoufakis ayaa is casilay waxyar kadib markii dadka dalkaasi markii ay iska diideen Tilaabo la sheegay in lagu badbaadinayo dhaqaalaha dalkooda.

Warbixin uu ku soo qoray Webkiisa ayuu ku sheegay in Wasiirada Maaliyadda Yurub aaney dooneyn ka qeyb galka shirarka looga hadlayo dhaqaalaha dalkiisa, isagoo intaa raaciyay  in uu isku casilay si uu Ra’isul Wasaaraha dalka Alexis Tsipras heshiis ula gaaro Wadamada Deymaha ku leh ee Yurub.

iscasilaadan ma aha mid kadis ah sida ay sheegayaan dadla la socd xaaladda dalka Giriiga, ninkan tan iyo bishii January markii la magacaabay waxaa uu lahaa waxaa ahan aqoon yahay iyo technocrat ee ma ahi Siyaasi.

Maanta oo Isniin ah, waxaa lagu wadaa in ay kulmaan  Ra’isul Wasaaraha dalka Jarmalka  Angela Merkel iyo Madaxweynaha Fransiiska Hollande