U bood dhigaalka

Wasiirka Maaliyadda Oo Soo Dhaweeyey Ansixinta Sharciga Iibka Qaranka

Sheeko:Dalka

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aden Ibrahim Farkeeti ay soo dhaweeyey ansixinta Sharciga Iibka Qaranka (procurement Bill) oo golaha Barlamanku anxisyeen sabtidii la soo dhaafay, wuxuuna wasiirku ku tilmaamay talaabo horumar u keenaysa daafurnaa iyo taaba galinta sharciyada asaaska u ah dalka.

“Ansixinta Sharciga Iibka Qaranka waxaan sugaynay mudo dheer, waana qayb ka mid ah guulaha la gaaray sanadkaan. Sharcigaan isagoo aan goluhu ansixin kuna jira akhrintii kowaad iyo kii labaad ayaan bilownay ku dhaqankiisa qaybo kamid ah, waxaa xusid mudan in qandaraasyada la bixiyey sanadkaan ay dhamaantood mareen (Procurement) taas oo muujinaysa in la gaaray xiligii aan ku dhaqmi lahayn cadaaladda dhanka qandarsayada. Qandaraasyadaas aan bixinay qaarkood waxaa ku guulaystay iyadoo cidna aysan riixayn ama aysan taageero u fidinaynin shirkado shisheeye oo ku soo baxay aqoontooda iyo khibradooda shaqo” ayuu yiri wasiir Farkeeti.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Wasaaradu ay howl galisay waax gooni ah oo ka shaqaysay Iibka Qaranka, taas oo in mudo ah ay ku socotay tababarid shaqaale iyo qalabayn xafiis, waxaana gacan weyn ka gaystay khubaro ka socota Bangiga Aduunka oo kala shaqaysay Wasaaradda sidii waaxdaas u howl gali lahayd. Wasiirka ayaa sheegay in ay bilaabayaan wacyi galin ku wajan Iibka qaranka si dadka Soomaaliyeed loo baro ahmiyad uu sharcigaan dalka u leeyahay.

“Waxaa Ilaahay Mahadiis ah in manta Wasaaradu wixii qalab lagu soo gadayo, ama wax lagu dhisayo ama shaqooyin kale oo daruuri ah lagu qabanayo loo soo bandhigo shacabka, taas oo meesha ka saartay nin jeclaysigii iyo eexdii. Waxaa kale oo maanta guul ah in dhamaad shirkadaha xariirka la leh Hay’adaha kala duwan ee dowaladda ay si toos ah ula macaamilaan Wasaaradda Maaliyadda marka ay timaado lacag bixinta” ayuu yir mar kale wasiir Farkeeti.

Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay in Wasaarada oo adegsanaysa aqoonteeda shaqo iyo khubarada la shaqaysa ay diyaar u tahay ka qayb qaadashada dhisida waaxyaha Iibka Qaranka (procurement)  ee wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda, si wixii la soo gadayo iyo wixii la sii gadayo intaba ay maraan qaab ku dhisan daah furnaan iyo isla xisaabtan,

Fa’iidoyinka Sharcigaan u leeyahay dalka waxaa ka mid ah:

  • Kor u qaadida dhaqaalaha, hufnaanta iibsiga iyo helitaanka qiimaha ugu wanaagsan  ee dadweynaha wax looga soo gadan karo.
  • Dhiirigalinta horumarinta dhaqaalaha dalka;
  • Kor u qaadista sharafta, cadaaladda, la xisaabtanka iyo kalsoonida  shacabka ee wax ku soo iibsiga;
  • In la gaaro nidaam ay ku dheehan tahay daah furnaan, iyo go’aanada la xiriira heshiisyada iibsiga iyo lacag dhimista.
  • fur-furida iibsiga dadweynaha iyo wax soo iibsashada hay’adaha dowladda;
  • Ciribtirka in cid gooni ah ay xirato qaabka wax soo iibinta iyo kor u qaadida tartan ku dhisan habka lacag dhimista iibsigu.

Sharcigaan ayaa dalka ugu danbaysay 26 sano ka hor, wuxuuna wax weyn ku soo kordhinayaa dib u dhiska dalka iyo kalsoonida deeq bixiyaasha caalamka, wuxuuna meesha ka saarayaa dhaqankii ku salaysnaa nin jeclaysiga iyo eexda marka ay timaado in wax la dhiso, waxa la soo gado ama dowladu iska iibiso wax aysan u baahnayn.

–DHAMAAD–