U bood dhigaalka

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Shir Muhiim ah La Yeeshay Madaxda Bangiyada Ka Hawlgala Dalka

Sheeko:Amniga

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamed Nuur ayaa maanta kulan muhiim ah kula yeeshay xarunta Wasaaradda Maaliyadda Madaxda Bangiyada gaarka loo leeyahay ee dalka ka hawlgala dalka.

Shirkaan ay yeesheen Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Bangiyada ayaa diirada lagu saaray arrimaha horumarinta dhaqaalaha dalka iyo hannaanka Maaliyadda Soomaaliya.

Kulankaan ayaa soo kale looga hadlay hannaanka Maaliyadda Bangiyada iyo xoojinta ka hortaga lacagaha sharci- darada ah, sare u qaadid dakhliga gudaha dalka.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa shirka ka sheegay in ganacsatada iyo Bangiyada Soomaaliyeed ay lafdhabar u yihiin horumarinta dhaqaalaha dalka iyo sare u qaadida
dakhliga gudaha.

Waxa ugu dambeyn, Wasaaradda Maaliyadda iyo Madaxda Bangiyada isku afgarteen in la xoojiyo ka hortaga lacagaha aan marin habraacyada dirista iyo kala qaadashada iyadoo si gaar ah loo hubinayo hannaanka lacag ka wareejinta Bangiyada iyo Xawaalahada dalka.

Goobjoog News