U bood dhigaalka

Wasiirka Petroolka Oo Aan u Tartamin Xildhibaannimo, Kadib Markii Lagu Eedeyay Musuq

Sheeko:Dalka

Cabdulahi Maxamed Aden-Shaacir ayaa ku guuleystay kursigii laga joojiyay wasiirka Petroolka federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mukhtaar.

Kursiga waxaa ku tartamayey Cabdulahi Maxamed Shaacir iyo Cabdulahi Ibrahim, ninka dambe ayaa tanaasulay sidaa ayuuna Shaacir Xildhibaan ku noqdey.

Wasiir Maxamed Mukhtaar Ibrahim  waxaa lagu eedeeyay:

  • In Murashaxa Maxamed Mukhtar Ibrahim uu jabiyay qawaaniinta iyo anshaxa doorashada uu horey u saxiixay.
  • In murashaxa uu isku dayey in uu laaluusho guddiga doorashada dadban ee Jubbaland
  • In uu Hotel  AGAN isugu geeyay 29 ergo, isagoo siiyay lacag, una ballan-qaadey in uu siin doono Lacag kale marka doorashada dhamaato.
  • In uu Laaluushay xubno ka tirsan hey’adaha ammaanka, taasi oo khalkhalgelisay goobta doorashada, keentana in doorashada dib loo dhigay ilaa waqti dambe.
  • Waxaa uu iska horkeeney howl-wadeennada doorashada iyo hey’adaha ammaanka.
  • In ergadii la soo xareeyay qasan goobta looga saaray, kaararkiina ay sidaa kula tageen

Guddiga doorashooyinka dadban ee federaalka ah oo Goobjoog News la hadlay waxaa ay sheegeen in ay warqadda soo gaartay isla markaana ay baarayaan eedeymaha la sheegay in wasiirka lagu heysto, welina saxaafadda uma sheegin waxa ay heleen.

Hadda uu wasiirka Mukhtaar aanu tartamin, waxaa muuqata in sabab fiican la helay sidii tartanka looga reebi lahaa, laakin waxaa isweydiin leh, sida kursigan loola dhaqmey, Maxaa kuraasta kale loo yeeli waayey?